qaad
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
qaad1
Magac lab1
Mugga ay wax leeyihiin.
2
Awoodda qaadis ee wax leeyihiin.
3
la midka ah (ld):
jaad¹(1)
Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo
4
la midka ah (ld):
qaadid: magacyada lammaanan
Tus
qaad2
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad1
(f.g) Wax meel yiil meel kale geyn.
2
(f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid.
3
(f.g) Wax meel yiil kor u hinjin.
4
(f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid.
5
(f.g) Hanti dhicid.
6
(f.g) Nafley cudur ku dhicid.
7
(f.g) Hees ku luuqayn. q.,
8
Yibir cid habaarid.
9
(f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho.
10
(f.g) Jaad cunid.
11
(f.mg) Roob feerid.
12
Dabool ka dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
Is-rogga falkan
-day, -dday