Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qaan1
Magac lab urur
1
Nooc kalluunka ka mid ah.
2
Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin.
3
(-aaman, m.l) Meesha dhuuban ee daanka.
qaan2
Magac dheddig
Hanti, dhiig iwm oo cid lagu yeesho.
qaan3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Is q.: xil is qaadid (qof).
Is-rogga falkan
-aamay, -aantay; -aami
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Qaan-ka) a) Geela intiisa dhallinta yar ubadkana ka waaweyn. b) Kalluun.
2. (Qaan-ta) Dhaawac ama waxyeello kale oo cid la gaarsiiyey, qiimaha laga simo, oo qofka wax la yeelay ama wax ka maqan yihiin la siiyo; mag; gashi; diyo.