Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
toobin1
Magac lab
1
Gees ama qalab kale oo u eg oo oogada, inta la saro, dhiigga buka lagaga toobo, lagaga soo saaro.
2
Shaxan joomitiri oo leh qaabka koombada.
Wadarta Magacan
-nno, m.dh
toobin2
Magac lab
Daawo
Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo.
toobin3
Magac lab
Xisaab
Adke salkiisu yahay xood sallax oo oodan, kuna dhammaada bar gees dibedda ka ah sallax saleedka.
toobin4
Magac lab
1
(bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas.