Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
walaaq1
Magac lab
walaaq2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax la rabo in ay isdhexgalaan qasid.
2
Meel deggan qas ka kicin.
Is-rogga falkan
-qay, -qday
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Walaaq-a)
Waxyaalo la doonayo inay si fiican isu dhex galaan oo isugu darmaan, ama adag oo la doonayo in la jilciyo oo inta fandhaal ama wax kale la dhex geliyo, xoog loogu warwareejiyo; lab; qas.