xidid
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
xidid1
Magac lab1
Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah.
2
Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya.
3
Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
Wadarta Magacan
-do, m.l
xidid2
Magac labXisaab1
Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16).
2
Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
Wadarta Magacan
-do, m.l
xidid3
Fal magudbe, isrogrogga 1aadXidid noqosho (dad).
Is-rogga falkan
-day, -dday