xiiqdheer
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
xiiqdheer1
Magac dheddigCudur qufac badan leh oo carruurta ku dhaca. ld kix.
xiiqdheer2
Magac dheddigDaawoCudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan “bordatella pertussis”. Kalhuu- riska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada.