Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
xoog1
Magac lab
1
Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda.
2
(-gag, m.l) Ciidan.
3
(- gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda.
4
(fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
xoog2
Magac lab
Fiisikis
Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).