baahi
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
baahi1
Magac dheddig1
Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo.
2
Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda.
3
Dhibaato ay keento wax la'aantooda.
Tusaale
“Biixi lacag buu baahi u qabaa”
baahi2
Fal gudbe, isrogrogga 2aadU b.: cid in ay wax u baahato badid.
Is-rogga falkan
-iyay, -isay