deelqaaf
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
deelqaaf1
Magac lab1
Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo.
2
D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah.
3
Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
deelqaaf2
Fal magudbe, isrogrogga 1aadKu d.: hadal meel ka dhac ah, aan daw lahayn qof ku dhihid.
Is-rogga falkan
-fay, -ftay