Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
digniin1
Magac dheddig
digniin2
Magac dheddig
1
War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto.
2
Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Digniin-ta)
War ama si kale oo la isugu sheego ama la isugu baaqo cabsi ama wax kale oo soo socda ama laysla maaggan yahay, si laysaga ilaaliyo oo looga dhawrsado.