Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
doon1
Magac lab
1
Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin.
2
Meel dhulka inyar ka yara kacsan.
3
Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
doon2
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho.
2
(f.mg) Xoolo iwm caatoobid.
Is-rogga falkan
-oomay, -oontay; -oomi
doon3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax rabid.
2
Wax raadin.
3
Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
Is-rogga falkan
-nay, -ntay; -ni
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Doon-ka) a) Xoolaha tabarta yar oo aan ceelka gaari karin oo guryaha lagu waraabsho. b) Ciidda iyo dhoobada ceelasha dheerdheer uurkooda laga soo saaro. c) * Wixii sidaas oo kale dhulka uurkiisa hoose laga doono oo laga soo baxsho. d) Ciid sida tallatiirriyaadda u samaysan oo ceelasha dheerdheer dhinacyadooda ka abuuranta; taallo ka samaysantay waxyaalaha dhulka uurkiisa hoose laga soo baxsho oo ceelasha agtooda lagu qubo.
2. (Doon-ta) Gaadiid-badeed markabkana ka yar bedenkana ka weyn; xaryan; (ama doonni).