ee
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
ee1
Xiriiriye1
Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn.
Tusaale
“Nin wanaagsan ee geesi ah”
“Xarunta dhexe ee xisbiga”
2
Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah.
Tusaale
“Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”
“Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”
“Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”
la mid ah:e.
ee2
Urur JagaaleEray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo.
Tusaale
“Ee aabbe!”
la mid ah:eeyaa.