Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
galool1
Magac lab
1
Geed weyn, qaydarka la bah ah, laf adag, mayrax adag iyo asal wanaagsan leh.
2
Duub wareegsan oo liifad, tubaako iwm ka sameysan.
3
Xidid hab gaar ah loo wareejiyay oo sagaarada lagu dabo.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
galool2
Magac dheddig
1
Qayb ka mid ah mindhicirta nafleyda.
2
Qayb ka mid ah debinka ugaarta loo dhigo.
galool3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Xarig iwm dhawr jeer isku wareejin si duub looga dhigo.
Is-rogga falkan
-oolay, -ooshay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Galool-ka) Geed qodax leh oo sarmaanta u eg; wuxuu lee yahay laamo toostoosan oo qalab badan laga jaro (udbo, dhigo, hangoollo, ulo, ...) mayrax laga sameeyo kebdo, xargo; asal wax lagu aslo sida shaahana loo cabbo.