Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.
Wadarta Magacan
-ddo, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Kabriid-ka)
Qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo; tarraq; qaraf; (ama kebriid).