Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kalabbar1
Magac lab
1
Laba meelood meel dhex dhexaad u ah.
2
Laba qeybood oo isle'eg wax loo qeybiyey qeybtood.
3
Wax muggiisii bar ku jiro.
kalabbar2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Labo meelood oo isle'eg u qaybin.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Kalabbar-ka)
1. Labo wax ama labo meelood ama labo waqti, kd., dhibicda ama xarriiqda bartanka kaga abbaaran oo ay isku in ama qiyaas is le'eg u wada jiraan; bartame; wadaage.
2. Wax mid ah oo labo inood ama qaybood ama cad oo is le'eg laga dhigo.