Qaamuusle LogoQaamuusle

meere

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

meere1
Magac lab
Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
Wadarta Magacan

-rayaal, m.l/dh

meere2
Magac lab
(c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.
Wadarta Magacan

-rayaal, m.l/dh