Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
nabaaddiinaxir1
Magac lab
Diinta
Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinaxir2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Nabaaddiinaxir-ka)
1. Wax la akhriyo (Quraan, kd.) oo barakadooda, cidaha ama xoolaha iyo dadka maqan ama lumay, ku nabad galaan.
2.* Wax la kala qorto ama lagu heshiiyo, oo qofkii dhibaato ku timaaddo ama hawl uu hayo wax ku gaaraan, wax lagu siiyo ama xoolihii ka lumay qaar loo celiyo; caymis.