Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qallac1
Magac lab
1
Laba qalbac ee qori la kala jeexay oo geela wax diida faruuryaha inta xarig lagula qabto looga xiro, si marka uu xanuunsado uu u oggolaado dhashiisa ama mid kale ama uu u oggolaado.
2
Shiraac doon oo dhuuban oo daqalka korkiisa lagu xiro.
qallac2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Hal ilmo diidday qallac ku samayn.
2
Shiraaca doonta daqal ku xirid.
Is-rogga falkan
-cay, -cday; -lici
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qallac-a)
Qalab geela wax diida lagu dhejiyo oo lagu xanuujiyo si uu ilmaha u oggolaado ama u godlado.