Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
toon1
Magac lab
1
Miro is qabsaday oo dhuuban.
2
Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota.
toon2
Magac lab
Naxwe
Marka shay lagu dhawaaqayo codku wuxuu noqon karaa mid dheer ama mid gaaban ama mid dhexdhexaad ah.
toon3
Magac dheddig
1
Dhir urursan oo meel ku wada taal.
2
Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Toon-ka) a) Miro (hohob, ...) is qabsaday oo duuban. b) Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota.
2. (Toon-ta) a) Dhir urursan oo meel ku wada taal, oo dhul bannaani ku wareegsan yahay. b) Geed yar oo buruqdiisu yeelato ur aad u lifaaqoon. c) Buruqda geedkaas oo dhirta cunnada lagu darsado ka mid ah.