Nafley yaryar oo kumanyaal jaad u sii kala baxbaxda; waxay isaga mid yihiin oo lagu yaqaan: waxay lee yihiin oogo arorro leh oo u kala baxda saddex qaybood (madax iyo dhex ama saab iyo sal ama qaar danbe); lix lugood, iyo (kuwooda duula) labo ama afar baal; iyo labo gees oo madaxa ka taagan. Lafdhabar ma leh. Waxaa ka mid ah: diqsi, shinni, xoon, kaneeco, injir, aboor, balanbaallis, dhiqle, booddo, geesoole, doorshaan, kd.; ~ cayayaan.