Qaamuusle LogoQaamuusle

daruur

4 Qaab ayuu ereygan leeyahay

daruur1
Magac lab
1
Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo.
2
Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
daruur2
Magac dheddig
Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
Wadarta Magacan

-ro, m.l

daruur3
Magac dheddigFiisikis
Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
Wadarta Magacan

-ro, m.l

daruur4
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.
Is-rogga falkan

-ray, -rtay