Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dhiigroor1
Magac lab
1
Dhiig ku guntama meel nabar ku dhacay.
2
dhiigroor2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Meel nabar ku dhacay dhiig ku guntamid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dhiigroor-ka)
Dhiigga meesha oogada nafleyda, nabar aan haragga dillaacini kaga dhaco, isugu soo urura; wuxuu ka yimaadaa oo ka soo baxaa xididdada yaryar oo nabarku dillaacshey.