dhisan
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
dhisan1
Fal magudbe, isrogrogga 1aad1
Aqal, dugsi iwm wax la sameeyey noqosho.
2
Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho.
3
Qoys cusub wax la aasaasay noqosho.
4
Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho.
5
Wax jira oo tiirar adag leh noqosho.
Is-rogga falkan
-smay, -santay; -smi
dhisan2
Fal magudbe, isrogrogga 4aad1
Aqal, dugsi iwm wax ka sameeyey ahaansho.
2
Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho.
3
Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho.
4
Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho.
5
Qof wax la qurxiyay ahaansho.
6
Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho.
Is-rogga falkan
-snaa, -snayd