Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
duluc1
Magac lab
1
Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo.
2
Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
Wadarta Magacan
-cyo, m.dh
duluc2
Magac dheddig
1
Nuxurka hadalka.
2
Ujeeddada hadalka.
Tusaale
“Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Duluc-a) Dhuub ama daliig ama xarig yar oo dharka qaarki iyo kolayada, kd.t afkooda tolan la dhexgeliyo oo lagu roorsho kolka la xirayo.
2. (Duluc-da) a) Danta iyo ulajeeddada dhabta ah oo hadalka lagu hadlayaa u dhaca hayo. b) Waxa buug ama sheeko ama hadal kale ku saabsan yahay; ulajeeddo.