jajab
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
jajab1
Magac lab1
Xanuun murqaha ku dhaca.
2
Dhacaan cayayaanka qaarkood ka yimaada oo markuu jirka gaaro lagu xajiimoodo.
3
Wax burburay gobol ka mid ah.
4
Dildillaac ku dhaca oogada siiba bishimaha iyo cagaha oo qabowga badani keeno.
5
Lacagta inteeda aan xaashida ahayn.
6
Dahab aan saafi ahayn.
jajab2
Magac labXisaabTiro aan hal dhammayn, oo la qaybiyey midkeed.
Wadarta Magacan
-byo, m.dh