Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
shiish1
Magac lab
1
(-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro.
2
Nishaab; toog.
shiish2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Wax nishaabid.
Is-rogga falkan
-shay, -shtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Shiish-ka)
1. Kurtun yar oo bir ah oo ka taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo kore oo kolka wax la nishaabayo, isaga iyo fantax yar oo iyana buntukha meel dhexe oo kore kaga taal, la isku abbaaro.