Nooc ka mid ah maandooriyayaasha oo sida buuriga oo kale loo shito.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Xashiish-ka)
1. Qorka alwaaxda laga qoro ama laga xaquuqo; xash.
2. Geed la beero oo laga liso dhacaan daran oo ama la calashado ama la cabbo ama sida buuriga loo shito; waxaa laga helaa jeel iyo baraarug iyo fahmo, waase sun qofkii qaayiba disha ama miyirka ka qaadda ama wax khaafsan ka dhigta. Inkasta oo uu dawo ahaan, waxtar lee yahay, haddana wuxuu ka mid yahay, dhirta, sida qaadka, in lagu isticmaalo ama la ganacsado, ayan bannaanayn (ama xashiishad).