bax
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Meel ka tegid.
2
Dhimasho.
3
Caloolbixid, shubmid.
4
Soo dheeraan (dhir, timo iwm).
5
Muuqasho (qorrax, dayax iwm).
6
Shidmid (dab).
7
Gadmid, iibsamid (ganacsi).
8
Ka b.: wax ka noqosho.
9
Ka b.: arrin ama waajib gudasho.
10
Ku b.: qaymo ku fadhiisasho.
11
La b.: wax meel ku jira baxsasho.
12
La b.: la cararid (gabar).
13
Isku b.: isku buuqid, isku kicid.
14
Isku b.: jiq noqosho.
15
Kala b.: kala qaybsamid.
16
Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano).
17
Haan caano lagu lulay subag dhalid.
Is-rogga falkan
-xay, -xday; -bixi