Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
horkac1
Magac lab
1
(-cyo, m.dh) H. ah: xoolo ama dad isdabajooga oo qoodeynaya, oo mid iyaga ka mid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin.
2
horkac2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Cid hoggaamin.
2
Xoolo hor socosho si loo wado.
Is-rogga falkan
-cay, -cday; -kici
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Horkac-a)
Xoolo ama dad is dabajooga oo qoodeyna haya, oo mid iyaga kamid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin.