Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya.
Tusaale
“Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”
Wadarta Magacan
kuwo, w
ku3
Horyaale
Naxwe
Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo.
Tusaale
“Biyaha weelka ayay ku jiraan”
“Kursigii ayuu ku fadhiyaa”
“Xarigga geedka ku xir!”
“Qalinka wax ku qor!”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Ku: Erey leh ulajeeddooyin badan oo ay kamid yihiin. a) Adiga (sida: yaa ku diley? Cali miyaa marada ku siiyey? b) Isaga/iyaga (ku dheh), c) Wax wax lagu qabsado; (markabka ku dhoof; irbadda ku mud; qalinka wax ku qor; fandhaalka wax ku cun; ... iyo kuwo kale oo badan).
Ku: — Qof ama wax keliya oo lab; mid.
-Ah — Qodobka ka oo noqda ku kolkuu ka dabadhaco magac la tilmaama hayo ama wax laga sheega hayo (sida: aqalku waa weyn yahay; qalinku waa jaban yahay; wiilku waa bukaa; ninku waa geesi...).