na (Magacuyaal dhimman layeele) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
na
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
67 jeer ayaa la eegay
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
na1
Magacuyaal dhimman layeele
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin.
Tusaale
“Idinkaa na siiyay buuggan”
na2
Xiriiriye
1
(-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood.
Tusaale
“Dariishadda fur, nalkana demi”
2
Xataa.
Tusaale
“Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Uyaalka qofka hore oo kooxda ah kolka wax la taaranayo ama falku xaggiisa aada hayo (sida: biyo na siiya; wiilkii baa na arkay); annaga.
na: -na — Tiraab ereyada kale lagu xiriiriyo oo tixaha hadalka ulajeeddooyin kala duwduwan u yeela (sida: a) Waxa Guuleed la siiyey, Warfaana ha la siiyo; libaaxiina la dil; Adiguna ma rabtaa? b) Mana arag, mana maqal; ninna ma iman; sina u yeeli mayo; yaad aragtay? Cidna); oo; xataa.