gooso
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 3aad
1
(f.g) Wax, wax ka jarasho.
2
(f.g) Wax mutansasho.
Tusaale
“Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”
3
(f.g) Arrin fulinteed go'aansasho.
Tusaale
“Caasha waxay goosatay in ay guursato.”
4
(f.mg) Cid baxsasho.
Tusaale
“Cali waa goostay.”
Is-rogga falkan
-stay, -satay