Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qaangaar1
Magac lab
Qof gaaray da'dii shan iyo tobnaad.
Wadarta Magacan
-rro, m.l
qaangaar2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Qof 15 sano gaarid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qaangaar-ka)
Filka, kolka la gaaro qofka loo qabto oo uu mas'uul ka noqdo waxa uu bi'iyo ama cid yeelo, qofkii gaara; qofka hadduu qaan galo loo qaban karo, loo sheegan karo; qof 15 jir gaarey; gaashaanqaad.